Justice Snapshot South Central Somalia

 

MUUQAALKA CADDAALADDA
BADHTAMAHA IYO KOONFURTA SOOMAALIYA 2020

MAHADNAQ   |   HABRAAC   |   XOGTA GUNDHIGGA AH   |   MAKTABADDA

MUUQAAL CADDAALADDA

Muuqaalka Nidaamka Caddaaladda ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxa ay koobsanaysaa xogta nidaamka caddaalad ciqaabeedku sida uu uga shaqeeyo Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gobolka Banaadir (Muqdisho) ee sannadkii dhammaaday 31 December 2019.

Waa dedaal wadajir ay u qabteen xukuumadaha, bahda caddaaladda, garsoorka, hay’adaha horumarka iyo fulinta. Waxa laga soo dheegtay habraaca hubinta oo hore loogu isticmaalay wadamada Malaysia iyo Bangladesh( eeg Habraaca).

Laga billaabo markii heshiiska la saxeexay illaa la isla waafaqay xog-ururinta maamul-goboleed kastaa waxa uu qaatay in ka yar 2 billood. Hawl-karnimadan waxa qayb weyn ka qaatay doorkii firfircoonaa ee xukuumadaha iyo wakiiladii ay u soo magacaabeen Gudida Farsamo ee Muuqaalka Caddaaladda (GFMC)- oo loo sameeyey maamul/gobol kasta korkana kala socda xog ururinta.

Hannaan kor loogu qaadayo xog ururinta laguna war-gelinayo hay’adaha siyaasadda dejiya

Muuqaalkan Caddaaladda waxa loogu tallo-galay in uu billaw u noqdo hannaan ku dhiiri-gelinaya xukuumadda iyo hay’adaha caddaaladda sidii ay u maal-gashan lahaayeen xogtooda. Xogta waxa iska leh xukuumadaha iyo hay’adaha ay khusayso. Kooxda Muuqaalka Caddaaladdu billawgii waxa ay ogolaansho ka heleen hay’ad kasta in ay soo ururiyaan isla markaa baahiyaan xogtaas. Dhammaan xogta lagu soo bandhigayo halkan, waxa si rasmi ah u ansixiyey GFMC. Barta Internet-ku waa mid la cusboonaysiin karo ujeedada ka danbaysaana waa in la sameeyo qaybta maareynta xogta si ay u maareeyaan xogta mustaqbalka la ururin doono. Muuqaalada sawirada ah waa mid hab casri ah isku cusboonaysinaysa si ay uga turjunto xogta cusub. Cabbirka laga Qiyaas qaadanayo waxa uu la socon doonaa horumarka lagu tallaabsaday waxana uu soo saari doonaa habka is-baddelka xogta oo la barbar dhigayo dhokumentiyada siyaasadda xukuumadda, sida NDP-9 iyo Jidka hadda dejisan ee Ammaanka iyo Caddaaladda ee ay soo saartay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, iyo xogta kale ee la xidhiidha Ujeedooyinka Horumarka Waara (SDGs).

… iyada oo loo fidinayo xog la isla ogol yahay oo dhammaan qorshe lagu dejin karo

Bogga Internet-ku waxa uu ku qoran yahay Af-Soomaali iyo Af-Ingiriisi waxana uu u kala qaybsan yahay waaxyo.

Xaaladda Guud waxa ay ka warbixinaysaa habka adeegyada nidaamka caddaaladdu u shaqayso iyo sida ammaan-darrida iyo barakucu saameyn ugu yeeshaan adeegyadaas – iyo miisaaniyadda loo qoondeeyey.

Marka la eego heerka Maamulada Xubnaha ka ah Fedaraalka, xogta waxa loo habeeyey in ay si faahfaahsan u soo bandhigto guudmar ku saabsan khayraada, kaabayaasha, maareynta dacwadaha iyo maamul wanaaaga iyada oo maskaxda lagu hayo guud ahaan nidaamka caddaalad ciqaabeedka(>Caddaaladda Sharciga) iyo in la fahmo sida cadaadiska ama gaabiska qayb kamid ah nidaamku uu inta kale saameyn ugu yeelanayo.

Cabbirka laga qiyaas qaadanyo waxa laga soo dheegtay dhokumentiyada siyaasadda waana la horumariyey si qiyaas laga cabbir qaato ugu noqdaan horumarka maamul kastaa ku tallaabsaday (guji >Tus xagga sare waxa kuu muuqanaya fallaadha oo ay ku hoos qoran yihiin Maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gobolka Banaadir). Waxa ay billaabmeen 2019 ( sannadkii xogta inta ugu badan la soo ururiyey) waana la cusboonaysiin karaa muddo markii laga joogaba (labo sanno ayaa la soo jeediyey halkan). ‘Yoolka’ si ku talo gal ah ayaa isaga oo bannaan looga tegay si maamul kastaa kiisa go’aan uga gaadho.

Falanqaynta Fursadaha waxa loogu tallo galay Maalgashiga Fursadaha Caddaaladda ee ay xogtu xustay. Fursaduhu waa kuwo la horumariyey si tixgelin loo siiyo balse dhammaan fursadaha jira lama xusin. Waxa soo jeedinta laga qaatay xogta la soo ururiyey iyo gol-daloolooyinka ay daaha ka faydeen. Fursadaha Maalgashi dhawr dhinac oo isku dhafan ayaa laga eegi karaa si ay hawlaha u fudaydiyaan (> qaybaha ku xusan bidixda ku dhufo si aad u arki kartid). Waxa loo arki karaa in ay bar-billaw noqon karaan xog siisa kuwa dejiya qorsheyaasha, barnaamijyada iyo hay’adaha go’aanka gaadha si ay barnaamij u qaabeeyaan, u dejiyaan ama ay dib-u habayn u sameeyaan. Xagga hoose haddii aad gujisid > natiijada: waxa ay ku tusaysaa faahfaahinta, tallaabooyinka mudnaanta la siinayo iyo sida ay u kala horreynayaan oo qaab fudud loo soo bandhigay.

Marka laga gudbo Mahadnaqa, iyo Habraaca, Xogta Gundhiggu waxa ay ka kooban tahay dhammaan xogtii la soo ururiyey ee la hufay isla markaa ay ansixiyeen GFMC oo ku qoran qaabka excel. Xogta muuqaal kasta ka kooban yahay haddii la doonayo in la hubiyo halkan ayaa laga hubin kara. Maktabaddu waxa lagu kaydiyey dhammaan dhokumentiyada la xidhiidha waaxda caddaaladda, oo ay ku jiraan sharciyada (ku qoran Af-Soomaali, Ingiriisi iyo Talyaani).

Qalab lagu shaqaynayo halkii uu ku ahaan lahaa warbixin kaligeed iska taagan

Muuqaalka Caddaaladdu waa in loo isticmaalo sidii hannaan la raacayo marka arrin la raadinayo, halkii uu ka ahaan lahaa warbixin qayb-qayb loo akhriyo.

Habka Isticmaalka 1: Guji, guji, guji

Ku billaw su’aasha kadib raac su’aalaha ku sii taxan. Tusaale ahaan, tirada badan ee Daraawiishta shaqada ka tegaya Jubaland (Xaaladda Guud > Ammaanka iyo Rabshadaha: >Booliska) waxa ay kuu gudbin karaan in aad si dhaw ula socon kartid Daraawiishta Kismaayo (Maamulada Xubnaha ka ah Fedaraalka > Maamulka Jubaland > Kismayo >Khayraadka & Kaabeyaasha> Daraawiishta) baadhista miisaaniyadda maamulka ( Xaaladda Guud >Ammaanka > Miisaaniyadda & Kharashaadka).

Habka Isticmaalka 2: Dooro mid kamid ah fallaadhaha eeg halka ay ku geyso

Tusaale ahaan, Kaalinta Garsoore Xudur joogaa (> Maamulada Xubnaha ka ah Federaalka > Maamulka Koonfur Galbeed > Xudur) adiga oo is weydiinaya waxa Muuqaalka Caddaaladdu ka leedahay maxkamadaha halkaas ( > Khayraadka iyo Kaabeyaasha) isla markaa eegaya sawirada noocyada caqabadaha soo waajaha garsoorka. Isla “Garsoorihii’ ayaa doonaya in uu eego culayska dacwadaha ( > Maareynta Dacwadaha) iyo in uu bixiyo darajooyinka ama tababar (> Maamul wanaaga & Tababarka).

Habka Isticmaalka 3: Kala saaridda Fursadaha Maalgashiga

Garsooraha’ halka sare ku xusan ayaa doonaya in uu eego Falanqaynta Fursadaha iyo Fursadaha Maalgashiga Caddaaladda ee ay xogtu xusayso. Waxa uu arki karaa/arki kartaa fursado badan, kalana hufi kartaa. Maadaama ayna Xudur lahayn dhisme maxkamaddu leedahay (maxkamad kasta), garsooruhu waxa uu gujin karaa

> Kaabeyaasha Dhismaha – wuxuna u kala saari karaa
> Maxkamadda

Sii kala baadh waxa ay fursad u siinaysa garsooraha in uu eego fursadaha sida dadka/kooxaha la faquuqo ee aan fursadaha badan helin isaga oo sii raacinaya

> Xuquuqal Insaan

Halkaa ka sii wad

Habka Isticmaalka 4: Xogta mar walba ma biirayso

Hay’adna lagama rabo in ay u soo gudbiso sida warbixintu halkan ugu kala saaran tahay. Goobaha qaar, mabay lahayn Buugga Diiwaanka, halka maamulada qaarna ayna haysan tababarkii sidii ay u maareyn lahaayeen. Goobo kale, xog lama haynba (tusaale ahaan, dacwadaha loo kala saaray lab/dheddig ama da’da); halka goobo kale xogta laga helay waraysi la qaaday balse aan lagu xaqiijin karin diiwaanka qoran. Niyad samaan ayaa xogtan lagu helay, waxa dhici karta in qaladaad ku jiro meelaha qaldana waa la xusay halka si cad ay u muuqdaan. 100% ma saxbaa? Maya, balse waddamo kooban ayaa ku faana arrintan. Ma xogta ugu wanaagsan ee la heli karaa? Dabcan haa. Waxa xusid mudan in dedaalkan uu bar-billaw u yahay hannaan la doonayo in lagu horumariyo xog ururinta hay’ad kastaa gudaheeda samaynayso taas oo xog iyo xaqiiqo siinaysa go’aan qaadashada heer qaran.