Maamul-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka

Maamul-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalkawaxa ay goob kaliya isugu keenaysaa
xogta saddex-geesoodka ah taas oo koobsanaysa guud ahaan caddaalad ciqaabeedka laga
soo billaabo marka qof la xidho illaa xabsiga la dhigayo, iyada oo Xubin kasta oo Maamul-goboleedka
Federaalka gooni loo xusayo iyo sidoo kale Gobolka Banaadir (Muqdisho).

Khayraadka & Kaabayaasha dhaqaalaha

Khayraadka & Kaabayaashadhaqaalahawaxa ay soo bandhigaysaa xogta ku saabsan agabka iyo shaqaalaha ka hawl-gala booliska, dadka bixiya la tallinta sharciga, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud, maxkamadaha iyo xabsiyada; iyo duruufta dhismeyaasha ay ku shaqeeyaan.

Maareynta Kiiska

Habka Maareynta Kiiska waxa ay soo bandhigaysaa heer kasta oo ku saabsan nidaamka loo maareeyo kiiska gal-dacwadeedku: Cabashooyinka fal-danbiyeedka, diiwaan-gellinta danbiyada, baadhista, xadhiga, dacwadaha, adeegga la tallinta sharciga, xukunka maxkamadaha, iyo xabsiga.

Maamul-wanaagga & Tababarka

Maamul-wanaagga & Tababarku waxa ay soo bandhigaysaa xogta ku saabsan maalgelinta lagu sameeyey hay’adaha caddaaladda iyo habka lagu kormeerayo si loo waajaho shakiga musuqmaasuqa, habka bixinta lacagaha iyo magdhawga, hannaanka dallacsiinta, istaraatiijiyadda shaqaalaysiinta, iyo sidoo kale khibradda aqooneed ee booliska, xeer-ilaaliyeyaasha, kuwa bixiya adeegga la tallinta sharciga, garsoorka iyo ciidamada asluubta.