Falanqaynta Fursaduha 

Falanqaynta Fursaduhu waxa ay caddeynaysaa fursadaha jira —ee lagu xusay gorfeynta
xogta isla markaa ay qeexeen daneeyeyaashu —si dib loogu dhiso, loo dejiyo, ama si kale
haddii aynu u dhigno loo horumariyo hannaanka hawlgalada caddaalad ciqaabeedka ee
heer kasta oo uu maro hannaanka caddaaladdu.

Maalgashiga Fursadaha Caddaaladda

Maalgashiga Fursadaha Caddaaladda waxa ay soo bandhigaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida dadweynuhu ku qabaan nidaamka caddaaladda loona abuuri lahaa nidaamkii la raacayey isla markaa kor loogu qaadi lahaa awoodda si loo helo caddaalad; gaar ahaan haweenka iyo ragga kuwaas oo hadda fursadda waayey kuna guul-darreystay in ay helaan caddaaladda. Waxa ay soo bandhigaysaa maalgashiga dhaqaale ee shaqaalaha iyo duruufta agabka ay ku hawlgalayaan; dib-u-habaynta hannaanka loo galo gal-dacwadeedka; dejinta barnaamijka tababarka; iyo dejinta hannaanka maamul wanaagga iyo kormeerka.