Muuqaalka Caddaaladda waxa loo qaabeeyey in ay la jaanqaado duruufaha xawliga ku socda ee khatarta badan kaas oo nidaamkii caddaaladda ay wiiqeen colaado ama masiibooyin dabiici ahi. Muddo kooban oo 3 billood gudaheed ah, barnaamijkani waxa uu xidhiidh la samaynayaa hay’adaha kale ee horumarinta ka shaqeeya, laamaha dawladda iyo hay’adaha kale ee aan dawliga ahayn si loo soo saaro xog caddeyn ku sallaysan taas oo aasaas u noqota qorshaynta iyo kharashka ku baxaya dib u soo kabashada hannaanka caddaaladda iyada oo sidoo kale la abuurayo qaab-hawleedkii loogu kuur-geli lahaa loona qiimeyn lahaa horumarka la gaadhay.
Khibraddii laga helay Afgaanistaan, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya waxa ay muujinaysaa in xogta la xidhiidha caddaalad ciqaabeedku ay jirto in kasta oo ay baahsan tahay. Xog ururintan Muuqaalka Caddaaladdu waxa uu meel isugu keenayaa xogtaa baahsan iyada oo la samaynayo daraasado iyo waraysiyo laga qaadayo dadka ka shaqeeya caddaaladda si loo abuuro deggal internet-ka ah (website) oo si fudud loo heli karo xogtiisana loo cusboonaysiin karo si loogu dhiirigeliyo hay’adaha dawladda in ay maalgashadaan xog-ururinta si loo ogaado goobaha mudnaanta la siinayo ee ku saabsan dib u soo kabashada hannaanka caddaaladda.
Xogtan waxa la soo ururiyey muddo 12 billood ah iyada oo la barbar dhigayey xog hore la isula qaatay. Muuqaalkan Caddaaladda ee taxanaha ah ee laga soo ururiyey Maamulka Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gobolka Banaadir (Muqdisho) xogtu waxa ay ku eegtahay 31 December 2019, marka laga reebo tirada maxaabiista kuwaas oo la diiwaan geliyey lana booqday billawgii 2020.
Xog ururinta muuqaalka Caddaaladdu waxa ay qaabeynaysaa nidaamka caddaalad ciqaabeedka iyada oo lagu sallaynayo duruufaha xaaladda guud ee amniga. Waxa ay muuqaal ahaan ku soo bandhigaysaa goobaha ay dadka caadiga ah ku adag tahay helitaanka caddaaladda, goobaha khatarta ku ah bahda caddaaladda, iyo baro-kacayaasha, kaas oo culays aan la maareyn karin saaraya nidaamka caddaaladda. Waxa ay soo bandhigaysaa qorshe-hawleed lagaga hortagi karo duruufaha ka baxsan awoodda sharciga kaas oo caqabad ku noqon kara ama carqaladayn kara dedaalada dib-u-dhiska nidaamka caddaaladda
Muuqaalka Caddaaladdu waxa uu dejinayaa nidaamka dhaqaale-siyaasadeed ee caddaalad ciqaabeedka iyo goobaha ay dadku ayna ku tiirsanayn nidaamka caddaaladda. Waxa ay muuqaal ahaan ku soo bandhigaysaa doorarka ay ka ciyaaraan xukunka ku sallaysan xeer-dhaqameedka, adeegga caddaaladda ay dawladdu bixiso ama hannaanka caddaaladda ee ciidamada u gaarka ah iyo goorta iyo qaabka ay dadku u xalliyaan arrimahooda iyo sida ay u kala doorbidaan qaababkan.
Arrinta intaa ka sii muhiimsan, nidaamkani waxa uu u ogolaanayaa dhammaan daneeyeyaasha awoodda ay ugu kuur-gelayaan isla markaa kor ugu qaadayaan habka ay falanqaynta ugu samaynayaan xogta. Iyada oo meel kaliya la isugu keenayo xogta la soo uruuriyey, la falanqeeyey isla markaa muuqaal ahaan loogu soo bandhigay deggelka barta internet-ka (website) kaas oo iskii (automatically) u cusboonaysiinaya isla marka xogta cusub la geliyo. Xogtan Muuqaalka kooban ee Caddaaladdu waxa uu abuurayaa xog sax ah oo aasaas u noqota siyaasadda caddaaladda ee la dejin doono.
Adeegga uu bixinayaa waa mid waaqica ku sallaysan oo meel isugu keenaya xogta ku saabsan goobaha maamulka iyo ammaanka, dhibaatooyinka ka dhanka ah bahda caddaaladda, barakacayaasha iyo sidoo kale goobaha ay dadku ay u doontaan caddaaladda. Xogtan marka meel la isugu keeno waxa ay aasaas u noqon kartaa adeegyada ku saabsan caddaaladda, gaar ahaan goobaha kooxaha hubaysan ama laamaha dawladda sida ciidamadu ay soo bandhigaan hannaan ay dadka ku kala saaraan kulana tartamaan nidaamka caddaaladda.
Xogtu waa mid cabbiraysa saameynta, iyada oo xogta laga soo ururinayo goobaha ugu muhiimsan ee saldhigyada booliska, maxkamadaha iyo xabsiyada si loo ogaado goldaloolooyinka jira sida shaqaalaha, kaabayaasha iyo agabka kale. Xogtani waxa ay awood u siinaysaa waaxyaha qorsheynta in ay qiimeeyaan isla markaa ay soo bandhigaan istaraatiijiyadda loo baahan yahay sida dhismeyaasha, qalabka iyo tababarada iyo in sidoo kale u kuurgelid iyo qiimeyn lagu sameeyo horumarka lagaadhay si wixii wanaagsanaa ee la qabtay loo dardar geliyo wixii aan khaldamayna loo saxo.
Waa xog si fudud loo heli karo, degdeg lagu helo karo, isla markaa ah mid hufan, iyada oo la isticmaalayo habraac hore loo soo tijaabiyey oo la adeegsanayo muuqaalo toos ah, la cusboonaysiin karo si diiradda loo saara faraqa u dhexeeya xogta, halkii laga akhriyi lahaa warbixin qoraal ah oo meel iska taala; iyada oo sidoo kale la xusayo meelaha ay ku kala duwan yihiin oo lagu qorayo goobta fiirada gaarka iyo si ilaha laga soo xigtay xogtu ay u heli karaan dadka isticmaalaya.
Waa mid la iska kaashaday lana wadaagayo, hay’adaha caddaaladda ka shaqeeya waxa ay ka qaybqaadanayaan billawga xog-ururinta, falanqaynta xogtooda gaarka ah iyada oo maamulada iyo hay’adaha dawladda siinaysa fursadda maamulka iyo cusboonaysiinta xogta muuqaalka ku sallaysan kadib marka tijaabada koowaad la fuliyo. Waa mid xaqiiqada ku sallaysan isla markaa siyaasad ka madax-bannaan, taas oo abuuraysa xog muuqaal ahaan nidaamka caddaaladda loo soo bandhigayo, kana kooban qaybaha kala duwan sida ammaanka iyo socdaalka, kaabayaasha, kiisaska qaabka ay u socdaan iyo habka loo maamulo— iyada oo la isku xidhayo si loo soo bandhigo qaabka nidaamka caddaaladdu u shaqeeyo.
Xogta waxa laga soo ururiyey hay’ad kasta (booliska, xeer-ilaalinta, hay’adaha bixiya kaalmada sharci, garsoorka, xabsiyada – iyo wasaaradaha ay hoos tagaan) iyada oo la haystay ogolaanshaha masuulka hay’ad kasta iyo wasaarad kasta oo ay hoos tagaan. Xogta waxa iska leh hay’adahaas ujeedada loo wadaagayna waa sidii goob kaliya la isugu keeni lahaa.
Habka cilmi-baadhista ee la raacay daraasaddan Muuqaalka Caddaaladda waxa laga soo dheegtay Hantidhawrka Caddaaladda. Hantidhawrka Caddaaladdu wuu ka duwan yahay Muuqaalka Caddaaladda, ka hore waxa loo qaabeeyey jawi deggan, nabdoon waana halka lagu hubiyo nidaamka caddaaladdu in uu badqabo. Waxa ay la tacaamushaa xukuumadaha sidii ay u wadaagi lahaayeen xogta la soo ururiyey, la falanqeeyey iyo hannaanka muuqaalka lagu soo bandhigayo si hay’adaha go’aanka qaadanaya iyo dib-u habayntu ugu saleeyaan go’aanadooda.
Sida Hantidhawrka Caddaaladda, Muqaalka Caddaaladuna darajooyin ma siiyo waddamada, sidoo kale qiimeyn darajooyin lagu samaynayo kuma sameeyo hay’adaha. Balse, waxa uu ku dhiiri geliyaa hay’adaha caddaaladda sidii ay u soo bandhi lahaayeen xog ku salaysan khibrad, hannaan u saamaxaya xogtu in ay si toos ah ula hadasho daneeyayaasha. GJG iyo Justice Mapping hore ayay u soo sameeyeen Hantidhawrka Caddaaladda iyaga oo casuumad ka helay xukuumadaha Malaysia iyo Bangladesh (eeg: https://www.governancejustice.org/justice-audit)
Xogta lagu soo ururiyey Muuqaalka Caddaaladdu waxa ay ka kooban tahay khayraadka, kaabayaasha iyo dhismeyaasha xukuumadda ee hay’ad kastaa leedahay oo si tifaftiran loo soo bandhigay- sidoo kale waxa ay la soconaysaa sida dacwadaha iyo dadka dacwoonayaa hannaanka u maraan. Dhammaan xogta, inta macquulka ah waxa loo kala saaray da’da, jinsiga iyo haddii qofku naafo jidheed yahay iyo haddii kaleba. Dhammaan xogta waa mid la qariyey ciddii sheegtay meel kasta oo la garan karo ciddii tidhi waa laga saaray.
xogtan saddex-geesooska ah waxa laga soo ururiyey bahda caddaaladda (booliska iyo saraakiisha xabsiyada iyo sidoo kale garsooreyaasha iyo qareenada) iyo dadka isticmaala maxkamadda (dadka u imanaya maxkamadda iyaga oo dacwad oogaya ama lagu soo oogayo, dhibaneyaasha, markhaatiyaasha ama xubna qoysaskooda)
Xogta bar-billawga ah ee daraasadda waxa soo ururiyey koox cilmi-baadheyaal madax-bannaan iyaga oo ay si toos ah korka ugala socdeen Gudida Farsamo ee Muuqaalka Caddaaladda (GFMC)– kuwaas oo xubnaha ay soo magacaabaan masuuliyinta hay’ad kasta. Marka xogta la soo ururiyo, waxa laga hufaa qaladaadka ku jira. Haddii gol-daloolooyin jiraan waa la xusaa, ‘Haddii aan Xogba la hayn’, waxa lagu muujiyaa tusaale ahaan, 0 gawaadhi.Haddii saxsanaanta xogta la xaqiijin kari waayo, ama ay u baahan tahay sharraxaad dheeraad ah, waxa lagu xusay ‘Fiirada Gaarka ah ee Xogta’. Xogta la hufay intaa kadib waxa loo gudbiyaa GFMC si ay u ansixiyaan isla markaa waxa saxeexa hay’adda ay khusayso. Waraaqaha ay ku qoran yihiin xogta la hufay waxa ay ka muuqanayaan Xogta Aasaasiga ah ee hay’adaha waana xogta laga arkayo Muuqaalka Caddaaladda.
GJG waxa ay ‘Xaqiijinta Saxsanaanta Xogta’ ka sameeyeen Baydhabo (July 2019) si ay u fahmaan sida xogta billawga hay’ad kastaa u qaado; qaybaha xogta ee ay ururiyaan; sida xogta loo kaydiyo (waraaqo ama kombuyuutar) sida iyo cidda loo gudbiyo; imisa jeer ayaa loo gudbiyaa, qaabkee se loogu gudbiyaa. Xogtii Baydhabo lagu hubiyey waxa ay muujisay in inta badan hay’aduhu leeyihin diiwaan ama buug ay ku qoraan dadka iyo dacwadaha soo galaya hay’adahooda (ama ka baxaya), tirada dacwaduhu in ay aad u yar yihiin iyo qalabka iyo tababarkuba in uu yahay mid aad u liita.
Fiiro: Xogtu ma noqon doonto mid 100% sax ah. Gol-daloolooyin iyo qaladaad wuu dhici doonaa gaar ahaan qaybtan koowaad ee taxanaha Muuqaalka Caddaaladda maadaama dadka bahda caddaaladda ee furinta hore ka shaqaynayaa ayna u baran in hab nidaamsan ay u soo ururiyaan xogta gaar ahaan xogta loo kala saaray da’da iyo jinsiga. Balse habka ururinta xogta iyo saxsanaanteeduba waa mid marka muddo la wado aad u wanaagsanan doonta hay’ad kastana waxa loo dejiyey nidaam.
Intaa kadib xogta waa la habeeyey loona gudbiyey Justice Mapping si ay u geliyaan degalka internet-ka ee Muuqaalka Caddaaladda haas oo loo diyaariyey in uu soo saaro xog muuqaal ahaan loo arki karo isla marka la geliyo. Hantidhawrka Caddaaladda iyo Muuqaalka Caddaaladda labadaba waxa loo qaabeeyey in ay noqdaan qalab la adeegsan karo halkii ay ka noqon lahaayeen warbixin meel iska qotonta. Ujeedadu waa in la geliyo xogta muddo dheer lana ogaado halka ay arrimuhu u socdaan si dhawna loogu kuurgalo waxa shaqeeyey iyo waxa aan shaqaynin.
Xogtu waxa ay xusaysa fursadaha maalgashiga si loogu salleeyo miisaaniyadda la qoondaynayo ( korna loogu qaado wax-ku-oolnimada deeqaha) loona wanaajiyo adeegga caddaaladda. Fursadahan maalgashigu waa qaar la isla ogolaaday kulankii ugu danbeeyey ee GFMC oo ay ka soo qaybgaleen bahda caddaaladda ee heer maamul.
In la wargeliyey jileyaasha caddaaladda billawgiiba may ahayn mid lagu war gelinayo oo kaliya. Habraaca daraasadda ayaa ujeedadeedu tahay in ay ku dhiiri geliso in ay maalgashadaan xogtooda la soo ururinayo si ay xog waran u siiyaan waaxyaha siyaasadda dejiya iyo in ay kor u qaadaan sidii khayraad badan u heli lahaayeen hay’adahoodu. Laga soo billaabo markii la aasaasay, GFMC iyaga ayaa la wareegay habsami u socodka una noqday laf-dhabar.
Xogtan taxanaha ah ee Muuqaalka Caddaaladda ee ugu horraysa kadib, waxa loogu tallo galay in GFMC (iyo wasaaradaha ay hoos tagaan) ay ku dhiiri gelin doonaan hay’adaha ay ka kala yimaadeen in ay soo ururiyaan xog kala soocan, muddo markii la joogaba la soo ururiyo, iyaga oo isticmaalaya warqadda xog ururinta ee midaysan. Xogtan waa la gudbin doonaa si waafaqsan hannaanka kala danbaynta ee hadda jirta – iyo Unugga Maareynta Xogta, si ay u qabtaan Muuqaal Caddaaladeed oo is daba joog ah oo la qaban doono 1-2 sanno loo dhaxaysiinayo si loola socdo is-baddelka muddo kadib. Doorka GJG wuxu noqon doonaa fidinta taageero farsamo marka loo baahdo.
Kooxda Muuqaalka Caddaaladda waxa madax u ah Gudoomiye Johann Kriegler (ka halw-gabay) Caddaaladda (Aasaasihii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Caddaaladda Koonfur Afrika) waxana maareeye u ah Radha Nair.
Allison Elders ayaa samaysay daraasadda qaybta dib-u-eegista xogta ee Maktabadda iyada oo ka soo shaqaynaysay Bluhm Legal Clinic at Northwestern University School of Law, Chicago, USA waxana taageero siinayey la taliyaha gaarka ah ee kooxda, Tom Geraghty.
Kooxda daraasaddu waxa ay ka koobnaayeen:
Hay’adahan waxa taageero u fidiyey kooxda GJG ee kala ah: Radha Nair, Kathryn English, Adam Stapleton, Marcus Baltzer, David Morgan iyo kooxda gorfeynta xogta: Fergal Stapleton English, John Roy Ballossini Dommett iyo Finneas Stapleton English.
Kooxda tiknoolojiyadda xogta iyo qaabeynta waxa hogaaminayey Eric Cadora, aasaasaha iyo agaasimaha, Justice Mapping (USA). Waxana caawinayey:
Dhammaan turjumaadda Af Soomaaliga waxa qabtay Abdoulkarim Hassan (qurusdoon@yahoo.com).
Qayb kasta oo Muuqaalka Caddaaladda waxa ku xigay hannaan lix marxaladood marayey:
1. Qorsheynta
Wejigii koowaad ee hannaankan, GJG iyo Justice Mapping waxa ay sameeyeen ‘nuqulka tijaabada ah’ ee Muuqaalka Caddaaladda intii u dhexaysay March-August 2019.
Maadaama habkan laga fulinayo ‘markii u horreysay’ Soomaaliya, waxa la isla qaatay fikirka ah in la tuso dadka waxa uu qalabkan cusubi ku saabsan yahay in ay tahay fikir fiican. Nuqulkii tijaabada ahaa waxa la dhammaystiray iyada oo la tashi ballaadhan lala sameeyey Maamulada iyo xukuumadda Federaalka iyo sidoo kale deeq-bixiyaasha iyo hay’adaha fulinaya.
Sidii ku tallo-galku ahaa waxay ahayd in la gudo galo wejiga labaad September 2019 (oo nuqulka tijaabada ah lagu sameeyo xogta rasmiga ah), waxa ay suurta gashay uun dhammaadkii January 2020 markii heshiiska lala saxeexday UNOPS illaa 31 July.
Iyada oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan ay billaabatay 23 April waxa ay yaraysay waqtigii qorsheynta loo qoondeeyey (taas oo qorsheynta si ku meel-gaadh ah loo sameeyey illaa September 2019):
Iyada oo lagu xisaabtamayo jawiga siyaasadeed ee Muqdisho iyo Hargeysa, diiradda waxa la saaray in xog ururinta laga billaabo Maamulka Koonfur Galbeed iyo Kismaayo.
Dib-u-eegista waxa lagu sameeyey barnaamij diyaar ahaa. Kooxdu waxa ay go’aan sadeen in Fulcrum Surveyor la isticmaalo maadaama oo laga helayo farsamadii loo baahnaa. Dib-u-eegista waxa sidoo kale lagu sameeyey kombuyuutaradii gacanta iyo Lenovo nooc kamid ah kombuyuutarada ayaa la doortay markii la eegay qiimaha uu taagan yahay iyo habka uu u shaqaynayo.
Qaabeyntii qalabka xog ururinta
Barnaamij ay ku shaqeeyaan ayaa loo sameeyey hay’ad kasta waxana la geliyey xogtii aasaasiga ahayd. Si waafaqsan xogtaas, barnaamij kastaa waxa uu lahaa todoba dhinac oo laga eegayo xogta la soo ururinayo ee hay’ad kasta. Waxa ay kala ahaayeen, qalabka, shaqaalaha, dhismaha, ammaanka iyo rabshadaha, maareynta dacwadda, tababarka iyo maamul wanaaga.
Qaybta Jawaabta: Barnaamij kastaa waxa uu ka koobnaa todobada qaybood, kuwaas oo qayb kasta loogu diyaariyey in ay ka jawaabto su’aalahaas. Barnaamijka Fulcrum waxa uu bixinayaa fursado dhawr ah oo aad ku xulan kartid nooca su’aalaha aad doonaysid, iyo qaybta aad isticmaalaysid, waxay kala ahaayeen:
Qaybta xogta: marka qaybta la doorto, su’aal kasta xaraf iyo lambar ayaa la siiyey, xogta sii kaabaysana waxa la raaciyey qaybta macluumaadka ee su’aal kasta. Qaybtani muhiim ayay u ahayd cilmi-baadhaha raadinaya in uu ogaado macnaha su’aasha, iyo in ay ku hagto isha xogta laga soo xigtay.
Waa daruuri: Shaqada kale ee uu qabto barnaamijka Fulcrum waa in uu su’aasha ka dhigi karo mid ay daruuri tahay in laga jawaabo. Tani waxa ay ka hor tegaysaa in warbixinta aan la gudbin ilaa la dhammaystiro qaybaha daruuriga ah oo dhan. Tani waxa ay muhiim u ahayd in la xaqiijiyo in aan qayb muhiim ah si aan kutalo gal ahayn looga tago.
Waraysiga Hawl-wadeenada: Hal barnaamij ayaa loo sameeyey dhammaan hawl-wadeenada la waraysanayo. Barnaamijkani waxa uu ka koobnaa saddex qaybood, labada qaybood ee hore waxa ay ahaayeen jawaabo la kala dooranayo. Qaybta saddexaad, oo loogu tallo galay in lagu xuso saddex caqabadood oo waaweyn oo soo waajahaya la waraystaha, waxa ay ka koobnayd saddex meelood oo qoraal lagu qoro. Halka waraysiga hay’adaha uu GPS muhiim ahaa, si loo illaaliyo ammaanka shaqsiga iyo in aan la aqoonsan qofk xogtan yidhi, waa laga xidhay shaqada GPS markii xogta shaqaalaha la waraysaneyey.
Cilmi-baadheyaasha xogta ka soo ururinaya gudaha hay’adaha, tusaale ahaan, saldhig booliis, xabsi ama maxkamad, waxa ay helayeen ogolaansha masuulka la waraysanayo si ay waraysiga u qaadaan. Muqdisho 88 hawl-wadeen ayaa la qabtay halka Jubaland iyo Koonfur Galbeed marka la isku daro laga waraystay 87.
Fursadda ‘Wax kale’ meel kasta oo ay suurtagal tahay, jawaabaha su’aalaha waxa ka mid ahaa ‘Wax kale’ fursaddsan oo inta badan la siinayey qofka jawaabaya. Doorashada ‘wax kale’ waxa ka dhallanayey in uu qofku qoraal ku qoro waxa kale ee uu ku jawaabayo.
Su’aalaha Dadka Maxkamadda Adeegsada: Afar qaybood oo kala gaar ah ayaa loo diyaariyey mid kasta oo kamid ah dadka maxkamadda adeegsada (dhibanaha, eedaysanaha, markhaatiga & xubnaha qoyska). Cilmi-baadheyaashu waxa ay ka qayb galeen kulamada maalmo kala duwan waxayna diiradda saareen dadkan gaar ahaan maxkamadda koowaad (Maxkamadaha Degmada iyo Maxkamadaha Gobolka). Gobolka Banaadir, xukuumadda ayaa amar ku xidhay maxkamadaha xanuunka corona awgii. Jubaland iyo Maamulka Koonfur Galbeed cilmi-baadheyaashu waxa ay waraysteen 125 dadka Maxkamadda Adeegsada, kuwaas oo 80 kamid ahi rag ahaayeen halka 45 ay haween ahaayeen (Eedaysaneyaal: 31, Xubnaha Qoyska: 33, Dhibane: 33, Markhaati: 29). Inta badan dacwaduhu waxay ahaayeen qaar madani ah. Waraysigu waxa uu ku qabsomay inta u dhaxaysa laba illaa saddex usbuuc.
Turjumaadda: Barnaamij kasta qaybiisa Af-Soomaaliga ayaa loo diyaariyey, kaas oo garab yaala xaraf kasta iyo lambar kasta oo ingiriisi ah. Su’aal kasta waxa la geliyey shaxda ku beeggan ee Soomaaliga ah (halka hoose eeg) taas oo ka koobnayd afar qaybood (Sumadda Af-ingiriisiga, Summadda Af-Soomaaliga, Faahfaahinta Af-ingiriisiga, Faahfaahinta Af-Soomaaliga). Marka la dhammaystiro shaxda, waxa la hubinayey in ay la jaanqaadayso barnaamijka. Su’aal kasta turjumaddeeda ayaa la geliyey isla qaybta ku xigta.Markii danbe waxa lagu shubay barnaamijka iyada oo la soo hor marinayo su’aasha oo Af-Soomaali ah, kadibna isla su’aashii oo Af-ingiriisi ah.
English Label | Summadda Af Soomali | English Description | Faahfaahin Af Somaali |
Date? | Taariikh? | – | – |
Time? | Waqti? | – | – |
Region? | Gobol? | – | – |
District? | Degmada? | – | – |
Town? | Magaalada? | ||
A. Material Resources | A. Agabka | ||
1. Electricity supply? | 1. Adeegga Korontada/laydhka? | Interview. If partial ask how many hours per day. – None – Partial – Continuous – N/A | Waraysi Haddii qayb ahaan uu jiro weydii imisa saacadood maallintii. – Maba jiro – Qayb ahaan – Si joogto ah – N/A |
Buugaagta Habraaca: Buugga Habka Ururinta Xogta iyo Buugga Dadka Adeegsada Maxkamadda ayaa la diyaariyey si loogu kabo tababarka shanta maalmood soconayey una noqdo hagaha cilmi-baadheyaasha. Buug kasta waxa loo turjumay Af-Soomaali.
2. Isu-dubaridka
Tababarka: tababar socday shan maalmood ayaa la qabtay si loo barto habka isticmaalka kombuyuutarada gacanta iyo sida uu u shaqeeyo barnaamijka fulcrum. Inta badan waxa uu ahaa tababar farsamo:
Tababarku waxa uu kor u qaaday ka qayb-qaadashadii iyo waxbarashada la baranayo iyada oo la qabanayo. Cilmi-baadheyaashu waxa ay ku billaabeen kombuyuutarada gacanta oo cusub waxayna barteen sida loo isticmaalayo. Kadibna waxa ay qaadaa dhigeen su’aalaha hay’ad kasta iyo todobada qaybood ee ay ka koobnaayeen.
Sidoo kale waxa lagu tababaray habka ururinta xogta iyaga oo dabaqay Waraysiga Dadka Maxkamadda Adeegsada. Awood gaar ah waxa la siiyey qiyamka iyo akhlaaqiyaadka la xidhiidha marka waraysi la qaadayo iyo muhiimadda ay leedahay in aad heshid ogolaanshaha qofka ka hor inta aanad waraysiga qaadin.
Dhammaadkii tababarka, cilmi-baadheyaashu waxa ay qorsheeyen shaqada ay ka qabanayaan goobahooda GJG waxa ay u sharraxday sida xogta loo kala hufayo hannaanka ay marayso.
Kooxaha ama wakiiladooda ka socday TS iyo SPL ayaa intaa kadib si rasmi ah ula kulmay xubnihii Gudida Farsamada Muuqaalka Caddaaladda (GFMC) si a) ay isku bartaan, b) iskula waafaqaan qorshe-hawleedka iyo c) in ay xaqiijiyaan in dhammaan hay’adaha la booqoan doonto ay xubnaha GFMC sii ogaysiiyaan ka hor inta aan loo tegin.
Kooxdii TS (Jbaland iyo DKG) waxa lagu tababaray xarrunta DFS ee Muqdisho intii u dhexaysay 16-20 February 2020.
Kooxdii SPL (Gobolka Banaadir) waxa lagu tababary xarrunta DFS ee Muqdisho intii u dhexaysay 16-19 March 2020. Hal maallin ayaa luntay sababtuna ay ahayd in mid kasta oo ka soo qayb-galeyaasha ah ay NISA soo hubiso ammaankiisa.
Kulamadii GFMC ee lagu hirgelinayey xog ururintu waxa ay u qabsoomeen sidan soo socota:
3. Xog ururinta
Kadib markii kooxuhu u soo bandhigeen qorshahoodii GFMC ee si rasmi ah loo ogolaaday, xubnihii GFMC waxa ay ogeysiiyeen ‘dadkoodii’ waxa ay ku saabsan tahay daraasaddani: cidda u imanaysa hay’adaha, iyo in ay ka codsadeen in ay taageeraan lana shaqeeyaan.
Kulanka koowaad ee GFMC muhiim ayuu ahaa in lahaanshaha xog ururinta lagu wareejiyo hay’adaha laftooda iyo in awooddii sharci la siiyo kooxihii ka hawlgalayey xog ururinta.
Kooxda GJG u qaabilsan Gorfeynta Xogta (Das) ayaa si gaar ah taageero ugu fudinayey kooxaha xogta soo ururinaya. Isla marka xogta la soo ururiyo ayaa lala wadaagayey Das, waxay u suurta gelisay in ay isla markaaba qabtaan qaladaadka cad, xogta aan munaasibka ahayn, iyo in ay su’aalo ka weydiiyaan meelaha aan xogta laga hayn ee lagu qorayo ‘-99’. Si maallinle ah ayay kooxuhu u soo wacayeen si loola xalliyo mushkiladaha jira – iyo qorshaha maallinta xigta. Waxa la isla waafaqay in mushkilad kasta oo timaada lala socodsiiyo kormeeraha kooxda kaas oo la socod siin doona GFMC. Wax dhibaato ah oo keensaday in la waco gudido may dhicin.
Xogta lagu qaaday barnaamijka Fulcrum waxa loo baddelay qaabka faylasha ee Excel oo lagu wadaagay Dropbox. Kooxdii Gorfeynta Xogta u qaabilsanayd GJG ayaa hubinayey saxsanaanta xogta iyo in ay is waafaqayso xogtu isla markaa dhammaystiran tahay.
Markii la kala shaandheynayey xogta la soo ururiyey, isbaddel kasta oo lagu sameeyey xogtii hore waa la kaydiyey. Faylkii hore sidiisa ayaa loo kaydiyey isaga oo aan waxba laga baddelin fiiro gaar ahna waxa lagu qoray faylka diiwaanka.
Markii ay xogtu soo gaadhay GFMC si ay u ansixiyaan, 4 jeer ayaa la soo hubiyey (2 Das, gudoomiyaha kooxda GJG & kormeeraha cilmi-baadhista)
Summadda-Midabyada
Summadda-Midabyada waxa loo isticmaalay si loola socdo isbaddelada dhacayey intii xogta la kala shaandhaynayey.
Jawaabta Fal-celinta ay soo diraan GJG
GJG kooxda u qaabilsan gorfeynta xogta ee DA ayaa u dejiyey su’aalo taxane ah kooxda cilmi-baadheyaasha iyaga oo u sii marinaya kormeerayaashooda. Jawaabaha ama tafaasiisha su’aalaha ayaa la geliya dhinaca midig ee ku xigta su’aasha dibna waa loogu diray.
La socodka isbaddelka la sameeyey
Markasta oo isbaddel lagu sameeyo dhokumentiga excel-ka, taariikhda isbaddelkaa la sameeyey waa la diiwana gelinayey.
Sida loo gelinayo ‘Xogta Qoraalka’
Haddii ayna xogtu caddeyn/khilaaf uu ku dhex jiro ama loo baahan yahay xog dheeraad ah ama in la xuso halkii laga soo xigtay ee ay ku kala duwan yihiin waraysigii la qaaday, qaybta u kuur-gelidda ama diiwaanka hay’adda ama Qoraalka Xogta ayaa la gelinayey.
Sida loogu darayo Sawirada gaar loo soo diray (tusaale Whatsapp)
Haddii ay cilmi-baadheyashu si gaar ah u soo direen sawiro ama hab ka baxsan Fulcrum, waxa lagu daray diiwaanka iyaga oo la siinayo summaddii ku habboonayd ee diiwaanka ay ku geli lahaayeen.
Samaynta Dhokumentiyo Diyaar u ah in ay Ansixiyaan GFMC
Kadib markii isbaddeladii oo dhan lagu diiwaan geliyey Fulcrum (xogtii laga helay cilmi-baadheyaasha ama isu-duweyaasha), koox ayaa warbixin qaabka PDF ah ka diyaarisay xogta.
PII: Dhammaan diiwaanka ku jira barnaamijka Fulcrum waxa laga hubiyey in ayna ku jirin xog ama macluumaad lagu ogaanayo qofkii/shakhsigii yiri.
Tallaabooyinka Gorfeynta Xogta
Xogta Hay’adaha
Summad ayaa la raaciyey xogta faylasha Excel-ka sia kooxaha samaynaya barnaamijku u ogaan karaan halka ay ka helayaan xogta ay uga baahan yihiin degelka internet-ka.
Waraysiga Hawl-wadeenada iyo Dadka Adeegsada Maxkamadda:
Maadaama aan shaki laga qabin xogta, waxa la habeeyey waxana loo kala saaray iyada oo lagu sallaynayo jawaabaha. Su’aalaha la xidhiidha turjumaadda dhawr meelood oo kala duwan ayaa laga hubiyey..
Su’aalaha hawl-wadeenada: Tiro ka mid ah hawl-wadeenada jawaabaha bixinayey, ayaa su’aalaha uga jawaabay qaabab kala duwan, tusaale ahaan ‘ammaanka’, su’aal la xidhiidhay duruufta shaqada. Halka jawaabo su’aashan la xidhiidhay lagu daray qaybo kale, qaar ayaa sheegay in ayna fahmin ujeedada su’aasha, sida tusaalaha kor ku xusan. Waxa dhici karta in si qaldan loo turjumay ama ayna fahmin cilmi-baadheyaashu, si looga taxadaro in ujeedadii su’aasha laga leexdo, waxa la hoos geeyey ‘qaybaha kale’.
Xogta dadka adeegsada maxkamaddu waxa ay ka koobneyd 125 (rag, 80, haween: 45) dadka jawaabaha bixinaya waxa loo kala saaray afar qaybood oo xog ururinta goobaha Koonfurta iyo Bartamaha, maadaama oo ay in yar, ama ayna waxba ku kala duwanayn jawaabihii la helay dhammaan goobaha oo dhan.
Xogtan maaha mid bulshada oo dhan matalaysa, balse waxa ay iftiiminaysaa fursadaha caddaaladda ee jira, ragga iyo haweenka la waraystay sida ay ugu kalsoon yihiin nidaamka, waxana laga yaabaa in ay caawiso daraasadaha ka danbeeya. Way adkayd in la xaqiijiyo kharashka ku baxa si dadku u helaan caddaaladda ee dacwadaha fal-danbiyeedka. Qaar badan ayaa ka gaabsaday isla markaana doorbiday in ayna ka jawaabin, halka qaar kale ay yidhaahdeen waxa ay bixiyeen ma jirto. Kuwa sheegay in ay lacag bixiyeen waxa ay sheegeen in ay siiyeen odeyaasha, dhaqtarada, maxkamadaha. Aad ayay u koobnaayeen kuwii sheegay in ay lacag siiyeen booliska, illaalada xabsiga ama garsooreyaasha. In aan gaadhayn 20% dacwadihii dadka maxkamadda adeegsada ee la waraystay ayaa ku saabsanaa dacwado ciqaab ah.
Wax faraqa oo u dhexeeya jawaabihii ay bixiyeen dadka adeegsada maxkamadaha Jubaland iyo DKG may jirin sidaa awgeed natiijadii waa la isu-geeyey. Dadka adeegsada maxkamadda waxa loo qaybiyey afar qaybood: Eeedaysaneyaasha (31), Dhibaneyaasha (32), Markhaatiga (29) iyo xubnaha qoyska (33). Wadarta guud 125 (80 rag ah iyo 45 haween ah) dadka waxa lagu waraystay maxkamadda dibaddeeda.
Mudadii la waday xog ururinta, cilmi-baadheyaashu waxa ay soo booqdeen maxkamadda heerka koowaad ee Afgooye 4 jeer, Xudur 7 jeer, Kismaayo 5 jeer iyo 8 jeer oo Baydhabo ah. Dacwadaha bishi la qaadayey ( madaniga iyo ciqaabta oo la isku daray) way kala duwanaayeen:
Xudur (Tirada guud ee dadka 108,902) celcelis ahaan 5 dacwadood ayaa la dhegaystay, cilmi-baadheyaashu waxa ay waraysteen 40 kamid ah dadka adeegsada maxkamadda (11 dhibane, 10 markhaati, 9 xubnaha qoyska iyo 10 eedaysane).
Baydhabo (tirada guud 315,679) celcelis ahaan 8 dacwadood ayaa la dhegaystay. 32 qof ayaa la waraystay 8 dhibane, 6 markhaati, 10 xubnaha qoyska, iyo 8 eedaysane.
Afgooye (tirada guud. 238,655) celcelis ahaan 5 dacwadood ayaa la dhegaystay. 20 qof ayaa la waraystay ( 5 qayb kasta oo kamid ah dadka adeegsada maxkamadda).
Kismaayo (tirada guud 162,733) celcelis ahaan 75 dacwadood ayaa la dhegaystay. 33 qof ayaa la waraystay, 8 dhibane, 8 markhaati, 9 xubanaha qoyska iyo 8 eedaysane.
Tirada guud ee dadka la isticmaalay waxa laga soo xigtay UNFPA 2014.
Goobaha kale ee xogta
Intii lagu guda jiray xog ururinta, waxa caddaatay in degmooyinka kale ay leeyihiin adeegyo shaqeeya oo caddaaladda ah (maxkamad degmo iyo saldhig booliis tusaale ahaan). Degmooyinkaa kale lama soo booqan karayn si madax bannaan xogtana loo xaqiijiyo, sidaa awgeed, xogta oo la isku daray ayaa laga soo ururiyey xarumaha guud ee booliska, maxkamadaha, ciidanka asluubta iyo xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud. Ujeedadu waa in xogtaa dhammayska tiran ee goobahaa laga soo ururiyey lagu daro Muuqaalada Caddaaladda ee soo socda. Goobahaa xogta laga soo ururiyey waxa kamid ahaa Kismaayo: Garbahaarey iyo Afmadow; iyo DKG, Waajid, Buur-Xakaba, Baraawe iyo Marka.
Xog ururintu goobaha waxa ay ka qabsoontay:
4. Waraysiga
Kooxda GJG ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa ay joogeen Muqdisho qaybtii koowaad ee markii magaaladda la xidhay xanuunka coronavirus awgii (24 March – 23 April) si ay waraysi ula yeeshaan hay’adaha iyo xogta daraasadda.
Markii lakala hufay xogtii, kooxdii GJG waxa ay u kala qaabeeyeen xogtii iyaga oo u kala saaray hay’adaha waxayna geliyeen faylka ‘Loo diyaariyey GFMC’ si loogu diro xubin kasta oo GFMC kamid ah si uu falcelintiisa ugu soo daro, dib-u eegisna ku sameeyo. Xogta loo diyaariyey GFMC waraaqo kala gaar ah ayaa loo kala diray (tusaale ahaan Booliska, Daraawiishta, Garsoorka, Ciidanka Asluubta, Hay’adaha Bixiya Adeegyada Sharci iwm) sidan soo socota:
Intii marka lagu daro, kooxdii GJG ayaa hubiyey tababarkii la siinayey booliska iyo maamul wanaaga xogtii la xidhidhay JPP iyo AMISOM kooxdii u qaabilsanayn isu-duwidda; Maxkamadda Wareegta iyo Xarrumaha Xallinta Khilaafaadka Bulshada waxa laga hubiyey UNDP, Goobaha Maamulka (khariidadda) waxa laga hubiyey UNROLSIG.
Falcelintii xogta ee ka timid GFMC waxa dib loogu celiyey GJG iyaga oo loo sii marinayo kormeerayaashii TS iyo SPL, goobihi u baahnaa in la saxo ama baddelo waa la sameeyey. Xogtii ugu danbaysay ee isbaddelka lagu sameeyey ayaa dib loogu diray.
Xogta waxa ansixiyey mid kasta oo kamid ah GFMC. Xannuunka Coronavirus iyo tilmaamihii xukuumaddu soo jeedisay iyada oo la raacayo kulamo fool-ka fool ah may yeelanin GFMC.
Kadib markii goob kastaa ay wadatashi yeesheen, hannaanka Jubaland ay uga qabsoomayso waa la isla gartay halkaas oo xubin sare oo kamid ah GFMC uu qoraal u soo qorayo masuulka sare ee Kooxda GJG si loo ansixiyo baahinta xogta (iyada oo inta kale ee GFMC nuqul kamid ah la siinayo).
Baydhabo, waxa la isla gartay in kormeeraha TS uu qoraal u soo qoro GJG si ay u ansixiyaan xogta isla markaa ay u baahiyaan iyaga oo xubnihii kale ee GFMC email nuqul kamid ah loogu dirayo.
Muqdisho, telefoon la isticmaalayo aaladda Zoom ayaa loo qabtay wakiiladii ka socday Maxkamadda Sare, Wasaaradda Caddaaladda iyo Ciidanka Asluubta (wakiilkii ka socday Duqa Muqdisho iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud cillad xagga farsamada ah ayaa la soo deristay) halkaas oo mid kasta oo kamid ahi ansixiyey xogtii.
Waxa ka danbeeyey telefoon laga wada xidhiidhay Whatsapp oo lala yeeshay wakiiladii Maxkamadda Sare iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud (kadib telefoonkii Zoom-ka). Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud dhawr faalo ayay soo jeediyeen waana lagu daray dibna waa loogu celiyey. Waxa la isla gartay in wakiilkii Maxkamadda Sare uu qoraal u qoro GJG si ay u ansixiyaan xogta una baahiyaan nuqulna u diraan dhammaan xubinihii GFMC.
Intii waxa dheerayd, xogtii kama danbaysta ahayd ee hay’adaha waxa loo diray GFMC (Gobolka Banaadir) oo matelaysa heer Faderaal ee GFMC.
Ansixintii xogta ee GMCF waxa loo diiwaan geliyey sidan soo socota:
5. Qaabeynta
Hannaanka qaabeyntu waxa lala sameeyey Justice Mapping. Si loo fudaydiyo in xogta muuqaal ahaan lagu arki karo, tilmaamo cad ayaa la soo ururiyey si looga taageero kooxda samaynaysa degelka internet-ka qaabeynta iyo summaddaynta. Tallaabooyinkan soo socda ayaa lagu dhaqaaqay intii u dhexaysay 27 April – 31 May:
Isbaddel weyn ayaa loo baahday in lagu sameeyo qaybta Cabbirka laga qiyaas qaadanayo iyo Fursadaha Maalgashi)ga ee Nuqulkii Tijaabada ahaa oo la xidhiidha xogta la soo ururiyey iyo ta aan la soo ururin( tusaale ahaan Sida ay Dadka u arkayaan Daraasadda). Muuqaalka Caddaaladda ee Gobolka Banaadir (Muqdisho) waxa uu u baahday in dib loo soo qaabeeyo.
Maktabadda waa la cusboonaysiiyey. Faalooyinka ayaa la qoray si loo geli kara isla markaa lagu xuso goobaha aan sawir ahaan lagu muujin karayn.
Muuqaalka Caddaaladda oo dhammaystiran waxa loo riday UNOPS, GFMC ee madaxda hay’adaha 12 June
6. Ansixinta
Madaarka Muqdisho ee xidhan iyo duruufta ka jirta Yurub ayaa ka hor istaagtay kooxdii GJG in ay kula kulmaan GFMC goobahooda si ay ugu soo bandhigaan Muuqaalka Caddaaladda.
Si loola jaanqaado duruufta jirta, kooxdii GJG waxa ay diyaariyeen kooxihii SPL iyo TS in ay jeediyaan xogta iyaga oo ka wakiil ah GJG. SPL waxa ay soo bandhigtay Muuqaalka Caddaaladda si fool-ka fool ah GFMC ee Gobolka Banaadir iyo heer Federaalba; kooxdii TS (DKG) waxa ay kulan la yeesheen GFMC Baydhabo iyo kormeerihii TS oo u soo bandhigay GFMC iyaga oo isticmaalaya Zoom. Kormeerihii TS (Jubaland) ayaa kulan u qabtay GFMC ee Kismaayo si fool-ka fool ahna ugu soo bandhigay GFMC.
Kulamada saddexaad ee GFMC waxa uu qabsoomay:
Qoraalka faalada ayaa la qaaday intii kulamadu socdeen warbixin gaar ah oo kulan kasta ah waxa soo diyaariyey SPL iyo TS. Faalooyinkii waxa lagu daray Muuqaalka Caddaaladda. Dhammaan GFMC waxa ay ansixiyeen Muuqaalkii Caddaaladda ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya 2020 in la baahiyo.